Midowga Yurub iyo Akadamiyadda Cilmiga, Dhaqanka iyo Fanka Soomaaliyeed ayaa daahfuraya tartan suugaaneed cusub oo dhanka nabadda iyo baraaraha ah
Caddadka 3-aad ee tartanka gabayada ‘Silsiladda Nabadda’ oo uu taabbagelinayo Midowga Yurub, waxaa looga golleeyahay in lagu aqoonsado, lagu baahiyo cododka Soomaalida ee ku aadden rajada ay ka qabaan nabad iyo barwaaqo ka dhalata Soomaaliya.
Tartanku wuxuu garowsan yahay ahmiyadda weyn ee gabaygu ugu fadhiyo dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaana Soomaaliya loo yaqaan ‘Qarankii Gabyaaga’, taas oo ka turjumeysa hiddahooda guunka ah ee ay gabayada iyo sheeko-xariirooyinka aan qorneyn jiilba jiil ugu gudbiyo.
Tartan suugaaneedka Silsiladda Nabadda 2023, ka qaybgalayaashu waxaa laga doonayaa in ay muuqaal ahaan isaga soo duubaan iyagoo akhrinaya ama ku luuqeynaya tix gaaban oo gabay asal ah oo iyagu ay allifeen.
Duubista tixdu waa in aysan ka badnaan labo daqiiqo, ka dibna waa in lagu soo diro Whatsapp Lambarka: +252626392248 ama Email-ka cinwaankiisu yahay (Silsiladdanabbada23@gmail.com). Tartanku wuxuu xirmayaa 11-ka Abriil, saacaddu markey tahay 23.59 (Saq dhexe).
Marka tartanku xirmo ka dib, guddi xeerbeegti ah oo la soo xulay ayaa daawanaya dhammaan muuqaallada sharuudaha soo buuxiyey, ka dibna waxay xulanayaan 8-da ugu fiican.
8-dada gabay waxaa lagu daabici doonaa bogga Facebook ee Midowga Yurub ee ah
https://www.facebook.com/EuDelSomalia. Ka dibna dadweynaha ayaa loo bandhigayaa in ay LIKE ugu codeeyaan kan ay u xishaan. Codbixintu waa in ay ka timaaddaa Bogag Facebook oo sax ah, qofkiina hal mar ayaa loo ogol yahay in uu codeeyo.
Lifaaqa hoose ka akhriso sharuudaha tartanka oo dhammeystiran.
Tartanka waxaa ku guuleysanaya qofka hela cododka (Likes) ugu badan. Waxaana soo raacaya labada ku xigta. Guuleysteyaasha waxaa lagu casuumi doonaa xafladda dabbaaldegga Maalinta Yurub oo lagu qaban doono Muqdisho 9-da May 2023.
Qofka kaalinta 1-aad gala wuxuu ku guuleysanayaa abaalgud dhan USD 1000. Kaalinta 2-aad wuxuu helayaa USD 500. Halka kaalinta 3-aad lagu muteysanayo USD 250.
DHAMMAAD
===
Lifaaq: Sharuudaha ka qaybgalka iyo xulashada tartanka
Tartan Suugaaneedka Silsiladda Nabadda wuxuu u furan yahay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee da’doodu ka sarreyso 16 sano islamarkaana wakhtigan ku nool Soomaaliya.
Tartameyaashu waa in ay akhriyaan ama soo bandhigaan gabay asal ah oo ku saleysan mowduuca ah “Aragtideyda Nabadda iyo Barwaaqada”, ayna ku soo gudbiyaan muuqaal (Video) soconaya wax aan ka badnayn 2 daqiiqo.
Ka qaybgalayaashu waa in ay si cad u sheegaan magacooda, da’dooda iyo ciwaankooda Email-ka ka hor inta aysan duubista/akhriska gabayga billaabin. Marka laga reebo macluumaadka qofka, gabaygu waa in uusan ka dheeraan 2 daqiiqo.
Ka qaybgalayaashu waa in ay gabaygooda soo gudbiyaan ka hor amminta 23:59, 11-ka Abriil 2023. Gabayga la soo gudbiyo wakhtiga kamadambeysta ka dib lama aqbalayo.
Muuqaalka tartamaha oo akhrinaya gabayga waa in lagu soo diraa email: (silsiladdanabbada23@gmail.com, and info@somasa.gov.so in cc). ama Whatsapp Lambarka: +252626392248. Iyadoo lagu soo lifaaqayo erayda gabayga oo qoran.
Muuqaalka waxaa loo gudbin doonaa Xeerbeegti madaxbannaan oo la soo xulay, ku waas oo tartameyaasha ka dhex dooranaya Siddeed kaalimood oo hordhac ah.
Gabayada waxaa lagu qiimeyn doonaa sida ay ugu kala fiican yihiin:
● Tayada ereyada la adeegsaday, fahankooda, iyo asalnimadooda
● Sida uu ugu taxaluuqo mowduuca laga hadlayo
● Sida uu ugu fadhiyo sharuucda iyo qaabdhismeedka maansada, siiba dhanka miisaanka iyo siiqada lagu qotomiyo suugaanta Soomaalida.
8-da muuqaal ee la soo xusho ayaa dabeedna la dhigayaa facebook, ka dibna dadweynaha ayaa loo bandhigayaa in ay LIKE ugu codeeyaan kan ay u xishaan. Qofkiiba waxaa loo ogol yahay hal cod. Waxaana guuleysanaya gabayga cododka (LIKES) ugu badan hela.
Gabayadu waa in ay yihiin hal-abuur ka soo maaxday tartamaha, kaas oo marka uu tartanka kaga qaybgalo, ka dhigan in uu ogolaaday in muuqaalkiisa laga baahiyo idaacadaha ama baraha bulshada. Qofkiiba waxaa loo ogol yahay in uu hal gabay ku galo tartanka.
Gabayga waa in aysan ku jirin erayo ay ku dheehan tahay aflagaaddo, caay, hanjabaad, beegsi cid gaar ah, anshax xumo, ihaano iyo wax walba oo aan dhaqanka suubban ee bulshada liddi ku ah.
Midowga Yurub wuxuu karaa in uu qaado tillaabooyin lagu xaqiijinayo hannaan codeyn oo xaq iyo xalaal ah, ku waas oo lagu hakinayo ama lagu joojinayo hawsha abaaalmarinta, haddii loo baahdana wax looga beddeli karo xaaladaha, haddii loo arko muhiim si waafaqsan aragida Midowga Yurub ama ay yimaadaan daruufo ka baxsan tiigsigooda.