Xuska Maalinta Yurub Ee Muqdisho lagu Qabanayo oo lagu Daah Furay Tartanka Suugaanta ee Sisiladda Deegaanka

Qayb ahaan dabbaaldegga maalinta Yurub ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho, Safaaradda Midowga Yurub ee Soomaaliya waxaa sharaf u ah in ay ku dhawaaqdo daah-furka Tartanka Maansada sannadlaha ah ah ee Silsiladda Deegaanka, kaas oo looga gol leeyahay in lagu kobciyo dood qaran oo lagaga arrinsanayo arrimaha isbeddelka cimillada ee dalka iyo guud ahaan caalamkaba.

BAAHIN DEGDEG AH

Xuska Maalinta Yurub Ee Muqdisho lagu Qabanayo oo lagu Daah Furay Tartanka Suugaanta ee Sisiladda Deegaanka

Muqdisho, 8-dda May 2024 – Qayb ahaan dabbaaldegga maalinta Yurub ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho, Safaaradda Midowga Yurub ee Soomaaliya waxaa sharaf u ah in ay ku dhawaaqdo daah-furka Tartanka Maansada sannadlaha ah ah ee Silsiladda Deegaanka, kaas oo looga gol leeyahay in lagu kobciyo dood qaran oo lagaga arrinsanayo arrimaha isbeddelka cimillada ee dalka iyo guud ahaan caalamkaba.

Ujeeddada Tartanka Maansada Silsiladda Deegaanka waa in laga faa’iidaysto dhaqanka hodanka ah ee maansada Soomaaliyeed si loo dhiirigeliyo doodo wax lagaga qabanayo isbeddelka cimilada iyo xaalufka deegaanka. Dhammaan hal-abuurka Soomaaliyeed waxaa lagu martiqaadayaa inay ka soo qaybgalaan iyagoo soo gudbinaya muuqaal 2-daqiiqo ah oo muujinaya maanso talantaalli oo ka hadalaysa xal u helista deegaanka iyo adkeysiga bulshada.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Karin Johansson oo daahfurtay tartankan ayaa tiri: “Isbeddelka cimilada waa dhibaato caalami ah oo u baahan in si wada jir ah wax looga qabto. Tantanka Maansada ee Silsiladda Deegaanka waa fursad hal-abuur leh oo looga doodayo wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo adkaysiga dadweynaha. Midowga Yurub waxaa ka go’an in uu Soomaaliya kala shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaadhibaatooyinka cimilada”.

Maalinta Yurub, oo sanad walba loo dabbaaldego bisha May, waxaa lagu xusaa Bayaankii Schuman, ee asalka u ahaa aasaaska Midowga Yurub kaas oo la saxiixay 9-kii May, 1950-kii. Bayaankani wuxuu saldhig u noqday iskaashiga iyo nabadda Yurub.

Xog dheeraad ah:

Tartanka Maansada Silsiladda Deegaanka oo lagu daahfuray magaalada Muqdisho, wuxuu socon doonaa illaa 29-ka May, 2024. Ka qaybgalayaasha waxaa qiimeyn ku sameyn doona garsoorayaal madax-bannaan, iyadoo abaalmarinno la guddoonsiin doono dadka gala kaalimaha hore. Ka qaybgalayaasha waxaa lagu dhiirigelinayaa inay booqdaan mareegta Ergada Midowga Yurub  si ay u helaan shuruucyada iyo habraacyada tartanka. Sidoo kale waxa ay farriimaha kala socon karaan bogagga warbaahinta bulshada ee Ergada Midowga Yurub.

 

LIFAAQ: Habraaca Tartanka Gabayada Silsiladda Deegaanka

Soo Gudbinta

1.     Maansooyinka waxaa lagu soo gudbinayaa emaylka silsiladdadeegaanka@gmail.com

2.     Xilliga kama dambaysta ah ee lasoo gudbin karo waa 29-ka bisha May, 2024.

Hannaanka Tartanka

·       Maanso kasta oo la soo gudbinayo waa in ay tahay maanso talantaalli ah oo ay laba qof is weydaarsanaan oo ay ku sheekaysanayaan ama ku doodayaan. Waa in maansadu u duubaan tahay qaab muuqaal ah.

·       Mowduuca maansadu diiraddu saarayaso waa isbeddelka cimillada, xalka deegaanka iyo adkaysiga bulshada

·       Ka qaybgalayaasha waxaa lagu dhiirigelinayaa inay in ay maansada ka sokow la yimaadaan hummaag iyo hal-abuur ay maansada kusoo gudbin karaan.

·       Luqadda maansada lagu soo gudbinayo waa Af-Soomaali.

Tilmaamaha tixda

·       Wacyigelinta Deegaanka: Hal-abuurka maansada curinaya waxaa lagu baraarujiyaa in ay sawiraan ahmiyadda ilaalinta deegaanka iyo xal u helida caqabadaha deegaanka sida abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha deegaanka.

·       Xalka: Hal-abuurka waxaa lagu dhiirigelinayaa inay soo bandhigaan habab hal abuur leh oo wax looga qabanayo isbeddelka cimilada iyo kor u qaadida tamarta cagaaran sida, ilaha tamarta la cusboonaysiin karo, tignoolajiyada casriga ah iyo hab nololeedyada wanaagsan ee waara.

·       Adkeysiga Bulshada: Maansadu waa in xusi kartaa oo ay bogaadin kartaa adkeysiga dadyowga kala duwan ee wajahaya caqabadaha deegaanka. Sidoo kale waa in maansada lagu tilmaamo tabaha ay dadkaasi ula tacaalayaand dhibaatooyinka deegaanka. Maansadu waa in ay soo gudbin kartaa sheekooyinka bulshada iyo xal u helista dhibaatooyinka cimillada.

·       Rajo: Maansadu waa inay soo gudbisaa farriimo rajo beeri kara oo horseedi kara xal isbeddelka cimillada wax lagaga qaban karo.

Shuruucda Soo Gudbinta:

1.     Maansadu waa in ay noqotaa mid talantaalli ah oo ay laba qof is weydaarsanayaan.

2.     Maansadu waa in aaney ka badnayn 2 daqiiqo.

3.     Maansadu waa inay ahaataa muuqaal asal ah oo aan lasoo minguurin.

4.     Maansada ka sokow, ka qaybgalayaashu waa in ay soo gudbiyaan magacyadooda, meelaha lagala soo xiriiri karo, iyo sharaxaad kooban oo ku saabsan muuqaalka.

5.     Maansada markaad soo gudbiso kaddib waa inaad ruqsada qoraal ah u siisaa shaqaalaha qabanqaabada tartanka in ay xaq ay u leeyihiin inay isticmaalaan oo ay baahin karaan muuqaalka maansadaada.

6.     Maansada iyo muuqaalkaba waxa loo gudbin doonaa guddi garsoor oo madax-bannaan, kuwaas oo dooran doona shanta maanso ee ugu horreeysa inta aan dhammaan lakala saarin ka hor. Shanta maanso ee heerkaa usoo baxda ayaa la geliln doonaa bogagga warbaahinta bulshada ee Midowga Yurub.

7.     Shanta maanso ee ugu sarreysa ee ay garsoorayaashu xushaan ayaa  baraha bulshada lagu gelin doonaa cod dadweyne. Maansadii ugu badata ayaa guulaysan doonta.

8.     Maansadu waa in aanay xanaf lahayn oo ay ka nasahan tahay af-xumo, af-lagaado, anshax-xumo, iyo qoraallo kale oo aan habboonayn.

9.     Maansadu waa in ay ahaataa mid asal ah oo aan lasoo min guurin oo dhammaan shuruucdaa sare lagu salleeyay.

Xulashada Garsoorka

·       Tayada luqadda, hal-abuurka iyo curinta (25%)

·       Aqoonta uu qofku u leeyahay mawduuca (25%)

·       Xeerka Maansada iyo aqoonta farshaxanka (25%)

·       Saamaynta iyo qiyamka qofka (25%)

Abaalmarinada

·       Labada qof ee soo gudbiya maansada kaalinta koobaad gasha  waxaa lagu abaal marin doonaa US$1,500 ah iyadoo maansada lagu baahin doono telefishinno iyo idaacado waaweyn.

·       Kaalimaha labaad iyo seddexaad waxaa la guddoonsiin doonaa abaal-marinno  US$1,000 iyo US$500 kala ah sida ay u kala horreeyaan.

Ku Dhawaaqidda Guuleystayaasha

·       Guuleystayaasha waxaa lagu baahin doonaa mareegaha Midowga Yurub iyo baraha bulshada.

·       Maansooyinka guulaysta waxa lagu soo waxaa loobaahiin doonaa siyaabo ka duwan.

Xog dheeraad ah

Wixii faahfaahin ah, ka qaybgalayaashu waxay email-ka hoose kala xidhiidhi karaan shaqaalaha qabanqaabada tartanka: silsiladdadeegaanka@gmail.com.

Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan ka qaybgalayaasha inay si taxadar leh u eegaan hab-raacyada tartanka oo ay raacaan xeerarka iyo shuruudaha  kor ku cayiman.

Nasiib wacan, dhammaan ka qaybgalayaasha!