Iskaashiga Caalamiga ee Booliska Wuxuu Soomaaliya iyo Adduunka Intiisa kale ka Dhigayaa Ammaan

  

EUCAP Somalia Police Advisor mentoring INTERPOL

Si loo helo adduun weyne ammaan ah, waa in la isku xiraa Ciidamada Booliska, waana sababta loo sameeyay INTERPOLKA, urur caalami ah oo leh khibrad boqol sano ah, hadana ay ku xiran yihiin 194 dal iyagoo  fariimaha isu marinaya Xafiisyada dhexe Qaranka(Hoggaamada INTERPOLKA iyo Xiriirada Caalamiga).

Saraakiisha INTERPOLKA,  ma ahan waxay dad badani u maleeyaan sida  waxyaabaha filimada Hollywoodka laga daawado oo kale, shaqadoodu ma  ahan inay jebiyaan daaqado si ay usoo xiraan dad laga shakisan yahay.  Iyagu waxay eegaan shaashado, sababtuna waxay tahay, shaqadooda ayaa ah inay hubiyaan macluumaadka keydsan.  Saraakiisha INTEPOLKA, waxay la tacaalaan taariikhda dembiyada dadka, dembibaaris cilmiyaysan sida faraha, DNA-ga, aqoonsiga wejiyada, warqadaha  lagu safro, hanti lasoo xadey sida gawaarida, doomaha oo kale, dhoofinta hubka  sharci darrada ah, dembiyada laga galo bey’ada iyo  shabakadaha dembiyada abaabulan oo ay ku jirto burcad badeednimada.

Dalka Soomaaliya, Xafiiska dhexe ee Qaranka (loona yaqaan Hoggaanka INTERPOLKA iyo xiriirka Caalamiga) wuxuu ku yaaala Xarunta Booliska Soomaaliyeed ee Caasimadda Muqdisho.

Hoggaanka INTERPOLKA iyo Xirirka Caalamiga Soomaaliyeed wuxuu bilowdey 1975. Markii uu dagaalkii sokeeye qarxey, Hoggaanka INTERPOLKA shaqadiisi waa ay istaagtey ilaa 2007, markaas oo  xafiisku dib-u-hawlgaley, laakin ma aysan ahayn shaqo la taaban karo, sababtoo ah, dagaalkii ayaa wuxuu burburiyay  wax walbo lagu shaqeynaayay, Xafiiskii INTERPOLKA waxba kama soo harin.  Dagaalkii Sokeeye kadib,  Dowladihii Kumeelgaarka  ahaa aya waqtigooda shaqo idlaadey, kadibna 2012kii,  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtey Xafiiska INTERPOLKA, haase yeeshe, si dhab uma hawlgali Karin, maadaama ay meesha ka maqneyd shaqaalihii iyo qalabkii lagu hawlgali lahaa.

2018dii, Sarkaal Sare ka socda Hay’adda EUCAP Somalia, oo Magaciisu yahay Jan Swaan, una dhashey Dalka Netherlands, ayaa wuxuu bilaabey inuu la shaqeeyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Xafiiska INTERPOLKA. Markii uu qiimeeyay xaalada xafiiska, wuxuu isweydiiyay, sida looga filan karo Saraakiisha Booliska Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan Xiriirka Caalamiga islamarkaana ula dagaalamaan dembiyada, iyagoon haysan  aasaasiyaadki lagu hawlgali lahaa.

Marka hore, Xafiiska INTEROLKA Muqdisho kuma xirneyn  shabakadaha INTERPOLKA kale, sababtoo ah koronto fican ma aysan leheen. Xafiiskana, keliya waxaa ka shaqeynaayay  labo qof.  Xiliyada roobka, biyaha  way iska soo daadanayeen  iyagoo taabanaya dare-damiyeyaasha korontada duuga ah. Haaba sheegin Mukeef, xisaabtaba kuma jirin. Jan oo ah Sarkaal  Sare katirsan qeybta la shaqeysa Booliska ee EUCAP Somalia  ayaa wuxuu dareemey masuuliyad weyn inay ka saran tahay dib-usoo nooleynta Xafiiska INETERPOLKA Iyo Xirirka Caalamiga.

Sanad kadib, marka la eego sawiradii hore iyo kuwi dambe, Xafiiska INTERPOLKA  Muqdisho waxaa ka muuqata qurux. Daaqadihii iyo dhulkiba waa la beddeley, Mukeefyo aya lagu rakibay, iyadoo  mida ugu muhimsana ay tahay in lagu xiriiriyay Macluumaadka Keydsan ee INTERPOLKA Caalamka iyo sistimka emailka,  taas oo ah sababta ugu muhiimsan oo uu usamaysan yahay Xafiiska INTERPOLKA.

EUCAP Somalia hadda waxay tababareysaa Madaxa INTERPOLKA  iyo saraakiishii la hawlgali leheed oo gaaraysa 5 sarkaal.

“Bal fariintan  ii sheega waxay tahay”  ayaa waxaa tiri Daniela Miteva, oo ah La Taliye Boolis ah  oo u dhalatay Dalka Bulgeeriya, iyadoo eegeysa warqad uu haaystay Ayub, oo ah sarkaal 27 Jir  katirsan Hoggaanka INTERPOLKA Soomaaliyeed.  Markay akhrisay qoraalkii emailka ku jirey, Daniela waxay u sheegtey Ayub, Maxamed iyo Sarkaal kale : “Meeshaan waxaa nalooga baahanyahay in aan sheegno cidda ama hay’ada wax-ka-qabata ka ganacsiga sharci darada ah ee duurjoogta  iyo dhoofintiisa” Saddexda Sarkaal waxay iskula hadleen Afsoomaali iyagoo aan hubin cida shaqadas qabata.

Iyadoo soo martey rubuc-qarni oo dagaal sokeeye, Soomaaliya hadda waxay dib-u-dhis ku wadaa hay’adaheeda. Dib-u-dhiskaas dartiis, waxaan meesha ka fahmeynaa Saraakisha inay garan waayeen Wasaaradda ama cida ku shaqada leh dembiyada la xiriira ka ganacsiga duurjoogta.

“ Geli waxa aad dooneysid inaad raadiso “  ayaa waxay ku qoran tahay shaashada ay wada eegayeen Maxamed, Ayuub iyo Daniela.  Dhinaca biddixeed ee sawirka waxaa ka muuqatay loogada INTERPOLKA.  Daniela iyo saaxibaheeda Soomaaliyeed  waxay ka wada shaqeynayaan sida ugu wanaagsan ee macluumaadka loo baari karo, jawaab celin loo sameeyo iyo sida ugu haboon ee loo isticmaali karo keydka macluumaadka INTERPOLKA.

“Boolis katirsan dal kamid ah dalalka caalamka aya laga yaaba inuu usoo xiro qof  markii hore ku noolaa dal kale  ee adduunka.  Inakoo eegayna macluumaadka keydsan, waxaan heli karnaa hadii qofkasi uu dembi horey usoo galey iyo hadii ay jirto amar la bixiyay oo muujinaya qofkas in lasoo xiro iyo in kale” aya waxa tiri Daniela Iyadoo la hadleysa  Saraakiisha saaxibaheeda ah.

“Maxaa dhacaya hadii aan macluumaadka u gudbino cida ku shaqada leh waxna laga qaban waayo? Su’aashaan Waxaa weydiyay Maxamed, oo 26 Jir ah oo horaantii kusoo barbaaray London, dalkana kusoo laabtey 2007. Sida saxibkiisa Ayub oo kale, oo 27 jir ah, isagana ku noolaa dalka Ingiriiska kahor inta uusan kusoo laaban Soomaaliya, wuxuuna ku hadlayaa Af Ingiriis fican,taas oo muhiim u ah shaqadiisa ee Xafiiska INTERPOLKA iyo Xirirka Caalamiga.

Marka laga reebo shaqada la xiriirta keydka macluumaadka  INTERPOLKA,  Daniela iyo saaxibaheeda Soomaaliyeed  hadda waxay ka shaqeynayaan sidii Xafiiskaas loogu soo dari lahaa shaqaalo kale. Daniela waxay kula-talisey dadka kusoo biiraya xafiiska in lagu soo xulo xirfado munaasab ah, aan luuqada Ingiriiska ahayn, maxaa yeeley luuqada waa la baran karaa hadii loo baahdo. Saaxibaheeda Soomaaliyeedna  fikirkaas way ku raacsan yihiin. Ayub iyo Saxiibahiisa kale fariimaha INTERPOLKA way usoo dhacaan maalin walbo, xafiiskana 24/7 waa laga hawlgalaa.

EUCAP Somalia waxay Xafiiska Dhexe ee INTERPOLKA ka caawisey arimaha ay kujiraan Sameynta  Nidaamka Xafiiska Shaqaalaysiinta ee Booliska Soomaaliyeed, kaas oo hadda noqdey mid ay Hogaamada kale ku daydaan. Hawlgalka  EUCAP wuxuu kaloo taageerey Hagaajinta shabakad oy ku wada xiriiraan Waaxda Dembi Baarista Booliska, Waaxda Socdaalka, iyo Waaxda Ka hortagga Qaraxyada , iyo Maamul Goboleedyada Dalka (Puntland iyo Koonfur Galbeed), Wasaaradaha iyo Elboorada.

Xaffiska INTERPOLKA waxaa kale uu taageeraa Xafiiska Gobolka ee INTERPOL ee Ku yaala magaalada Nairobi, sido kale wuxuu la shaqeeya Xoghaynta guud ee INTERPOLKA ee Ka hawlgasha Lyon, France.

Inta ay EUCAP Somalia caawinaysay  Saaxibahooda Soomaaliyeed, natiijooyin la taaban karo ayaa la gaaray, kuwaas oo ay kujiraan kiisaska la xiriira Kullumeeysiga, Baasaboorada la xadey, Wasakhaynta hawada iyo  qof rakaab ah oo lagu qabtey shey qarxa ee ka dhoofi rabey elboorka Muqdisho.

Taageerada la siiyay Xafiiska INTERPOLKA waa dadaal wadareed ka yimid Halwgalka EUCAP Somalia  iyo qeybaha xafiisyada uu leeyahay, waxyaabaha la iska kaashadeyna waxaa kamid ahaa Ku dhaqanka Sharciga, unugyada Ilaalada Xeebaha, Nidaamka Macluumaadka Kombiyuutarka, Xafiiska Mashaariicda, iyo Xafiisyada kale ee ku yaala Puntland iyo Soomaaliland.

Maanta Soomaaliya sida 193ka dal kale oo kamid ah INTERPOLKA, waxay Oran Kartaa:  waxaan celin karnaa tahriibinta, dembiyada Internetka, dhiigmiirashada, xagjirnimada, cabsigelinta iyo dembiyada kale. Inagoo wadajirna Ayaan dhisi karnaa Soomaaliya oo nabad ah iyo adduunka oo dhan oo nabad ah.

Image
EUCAP Mentoring

Mentoring Session Interpol

interpol directorate

working

EUCAP Somalia

Press and Public Information Office

press@eucap-som.eu